Dugsiga Barbaarinta Carruurta ee Stockholm

Dhammaan hawlaha aan carruurta u qabanno waxaan ku saleynnaa awoodda, rabitaanka ama xiisaha uu ilmo waliba u qabo in uu waxbarto. Nolol cusub oo wanaagsan ayaa ilmahaaga uga bilaabaneysa dugsiga barbaarinta.

Magaalada Stockholm waxaa ka furan 1 000 dugsi barbaarin iyo 150 xarumo xannaano carruureed iyo 50 dugsi barbaarin oo markii la doono la tegi karo.

Dugsiga barbaarinta carruurtu waa xaq

Ilmaha da’diisu u dhexeyso sannad ilaa shan sano wuxuu xaq u leeyahay in uu aado dugsiga barbaarinta ama xannaanada, waase haddii shuruudaha soo socda middood la buuxiyo:

  • Ilmuhu wuxuu leeyahay lambarka aqoonsiga (tobanka lambar).
  • Waalidka ilmuhu aa magangelyadoon haysta kaarka LMA oo ruqsad u siinaya in uu Iswiidhen ka shaqeysan karo ama wax ka baran karo (AT-UND).

Haddii aadan waalid ahaan haysan ruqsad inaad shaqaysan karto sharci shaqo la’aantiis, wuxuu ilmahaagu xaq u leeyahay in uu tago dugsiga barbaarinta ama xannaanada 15 saacadood toddobaadkii marka laga bilaabo bisha Agoosto sannadka ilmuhu buuxsaday saddex sano.

Ilmuhu wuxuu xaq u yeelanayaa dugsiga barbaarinta ama xannaanada haddii aad waalid ahaan

  • shaqayso
  • waxbarasho ku jirto
  • aad ugu hawllan tahay shaqadoonis
  • ama aad ilmo yar guriga ku hayso.

Haddaba si aad boos uga hesho dugsiga barbaarinta degmada waa inaad ka diiwaangeshan tahay degmadaas ama aad soo gudbisaa adareeska aad Stockholm ka degi doonto.

Ballanqaadka boos

Laga bilaabo marka ilmahaagu hal sano wuxuu xaq u yeelanayaa in uu boos ka helo dugsi barbaarin oo degmadu leedahay, ama mid gaar loo leeyahay ama xarun xannaano carruur oo ku jira liiska boosaska ee degmada. Waxaana taas lagu magacaabaa Ballanqaad boos (platsgaranti).

Ilahaagu wuxuu xaq u leeyahay in uu boos ku helo muddo saddex bilood gudahood ah oo laga bilaabo marka codsigaagu na soo gaaray. Tusaale: Waxaad codsi soo gudbisey bisha jannaayo, kolkaas waxaa lagu ballanqaadayaa inaad boos hesho bisha abriil.

Waa kuwee noocyada dugsiyada barbaarintu?

Hawlahaas waxaa qabanqaabiya maamulada degmootinka shirkado gaar ah. Kolka ilmahaagu boos ka helo dugsiga barbaarinta ama xarunta xannaanada carruurta, waxaad bixineysaa khidmad bishiiba mar ah.

Dugsiga barbaarintu waa goob ay ka socdaan hawlo barbaarin iyo waxbarid oo u wanaagsan waxbarashada iyo horumarka carruurta. Hawlaha dugsiyada barbaarintu waxay ku saleysan yihiin qorshaha waxbarashada dugsiyada barbaarinta iyo xeerka waxbarashada dugsiyada. Waxaa iyaguna jira dugsiyo barbaarin oo ah iskaashato waalidiin, kuwaas waalid ahaan lagaa filayo inaad ka qaybqaadato hawlaha ka socda bishiiba waqtiyo go’an.

Xarunta xannaanada carruurta waxaa lagu hayaa tiro yar oo carruur ah oo uu qof xannaaneeye ahi ku hayo gurigiisa saacadaha maalinimada. Qorshaha barbaarinta goobtaasina ma ahan mid waajib ah ee waa mid hagid ah.

Dugsiga furan ee barbaarinta waa goob ay ka socdaan hawlo lacag-la’aan ah oo aad ilmaha geyn karto si uu u la kulmo carruur kale iyo macallimiin. Looma baahna in la soo gudbiyo codsi qoraal ah.

Raadi oo isbarbardhig dugsiyada barbaarinta

Waxaa jira dugsiyo barbaarin oo farabadan oo la kala doowan karo.

Boos ka raadso dugsi barbaarin

Waxaad codsigaaga booska ku soo gudbineysaa barta adeegga ee Förskola och fritidshem (Dugsiga barbaarinta iyo xannaanada carruurta).

Marka aad soo gudbiso codsi boos dugsi barbaarin ama xannaano carruur, waxaa ilmahaaga la siinayaa taariikh saf iyo boos saf. Taariikhda safka ee ilmahaaga ee ugu horreysa waxay noqoneysaa maalinta ay lix bilood u buuxsanto, xataa haddii aad codsiga soo gudbisay ka hor inta aan ilmuhu lix bilood buuxsan.

Caawimaad iyo taageero

Xarunta xiriirintu waxay kaa caawineysaa wixii su’aalo ah oo la xiriira dugsiyada barbaarinta ee magaalada Stockholm.

Habka xiriirka
Telefoon: 08-508 00 508
E-meyl:  forskola@stockholm.se

Waxaad kaloo booqan kartaa mid ka mid ah xafiisyada muwaadiniinta oo Stockholm ku yaal, halkaas oo aad kula kulmeyso dad aad la hadasho oo ku haga. Waxay kaloo dadkaasi kaaga jawaabayaan su’aalahaaga ku saabsan dugsiyada barbaarinta.

Uppdaterad